Daawo Sawiradda Wiil Labo Sano ka hor Dhulka laga helay & Xaalada uu hada ku sugan yahay+ Warxin.

0
261

16/6/2012 Subax Sabti ah waagana aan si wanaagsan u baryin oo waliba
xiligaasi uu ahaa Xili uu jiray Qabow aad u daran, ayaa wiilkan yar
laga hellay wadada dhinaceedda Dhanka Marshabiyeediga.

Wiilkan yar ayaa nasiib u yeeshay in ay gacanta ku dhigto Gabar Shaah
ku iibinaysay meesha lasoo dhigay iyadoo shaqadeda isku diyaarinaysa
xiligaasi oo markaas uun ay furtay goobteeda ganacsi, Gabadha Heshay
wiilka oo awoodi waysay in ay kafaallo qaado ayaa waxa ay ku
wareejisay Haweenay Lahayd Xarun lagula taliyo dumarka uurka leh &
umullaha, laguna hormariyo Hooyoyinka dhallaanka ah Maternal Mercy
development (MMD)

Maalintaasi Canugan ay Hooyadii Dhashay Meel Cidlo kaga dhaqaaqday oo
Islaanta lagu wareejinayay waxaa isuurto gashay inaan xaafaddeeda ku
booqdo oo aan ishayda soo saaray ka dibna aan warbixin kasoo
diyaariyay xiligaasi,.

waqtiga waxa uu isgura haatan wiilki ayaan Markale Booqday isagoo
Cayaaraya runtii markaan arkay Indhahayga ilmo ayaan ka celin waayay,
Wiilkan oo Magaciisa yahay C/llaahi haatan Caafimaadkisu waa taam,
waxa uuna la mid yahay Ilmaha caadiga ah waxa uuna helay xannaano
gaar ah.

Gabadha Haysa oo aan wareeystay ayaa ii Sheegtay in ay marxalad addag
lasoo martay oo ay igu dhaaratay runtii in ay si aad ah ugu wal
waleysay Noloshiisa illaa iminkana si gaar ah uga fakarto, Gabadhan
isku xilqaantay Korinta wiilkan yare ee Dhulka lagu soo tuuray ayaa ii
sheegtay in markii aan websiteka galiyay laba sano ka hor ay dad
Qurbaha jooga la soo xariiri jireen oo xoogaa ay tallo & wax ay caano
ugu dhigto kusoo saacideen.

Dad Muxsiniin ah oo Dibadaha igala soo xiriri jiray ayaantii aad
webka galisay ayaa waxa ay igula taliyeen inaan C/llaahi u bixiyo, oo mar aan (ROOBDA’AY) ulla baxay ay igula taliyeen ana aan qaatay taladoodda, waxaa jiray Gabdho igu yiraahdeen wiilka Nasii anagaa Dibadda u wadaneyno waan la yaabay, waxana ku iri marka uu waynaadohadaad rabtaan waxbarashiisa igula caawiya haduuba nafta illaahay Nagusimo”.

Maamadan isku xilqaantay Canugan ayaa ku faraxsan in ay Koriso waliba
ay aad u dharareyso isagoo waynaaday oo labaatan jir ah, haweynadaan
ayaa ii sheegtay in xaafada ay deganeyd isaga Awgiisa uga so guurtay
oo ay xaafad kale degtay isaga Madaxiisa waayo bay igu tiri Deriska
ayaan diidayay in ay wax ka sheeg sheegaan ileyn soomaalida waa ay
iska war badan tahaye,, Runtii arintaas anigaba waan kula raacay.

Arinta aan aad ka ugu murgay waxa ay ahayd in Mar uu xanuunsaday oo ay
dhaqtarka Caruurta geesay ay qarash deyn ah gashay oo ay ii sheegtay
ilaa iminka in lagu leeyahay lacagtaasi, Waxa ayna ii sheegtay in
Illaahay Xagiisa ay ka rajaynaso inuu ka gudo wiilkana illaahay la
koriyo.

Hadaba Fariintan oo ah mid aan ugu tallo gallay inaan idiin soo
gaarsiyo Ficilkan Farxada leh ay sameysay Haweeynadan ayaan
Rajaynayaa in ay dad badan ku daydaan oo sidan ookale hadeeyba la
kulmaan sameeyaan, waxaana rajaynayaa Shaqsi walba oo Xaalada Canuga
& Haduu Haweeynaddan Wax uun ku saacidayo Qofkii Alle u dhiibay in ay
la xiriirto Maamadan si ay usii wado korinta wiilkan deeynta ay
sheegtayna uga gudanto. Mahadsanidin

W1w2 w3w4w5w6

kala xiriir Taleefankan +252617349727
Email: fadumoyusuf@gmail.com

Idale news Online, Muqdusho. Nagala Soo Xariir Eamil: Idalenewsonline@gmail.ocm