Baydhabo(INO)- Wasiiraka Wasaarada Hub ka dhigista , Dhaqan celinta iyo tababarada maleeshiyada Ee dowlada koonfur galbeed soomaaliya mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa Booqasho ku tagey maanta xarunta lagu dhaqan celinayo maleeshiyaadka iyo darba jiifta magalaada baydhabo, isgoona soo indha indheeyey xaalada ay ku sugan yihiin.
Booqashada waxaa ku wehelinayey wasiirada war faafinta iyo wacyigalinta bulshada koonfur galbed soomaaliya mudane ugaas Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska wasaaradda hub ka dhigista, dhaqan celinta iyo tababarada maleeshiyada.
Xaruntaasi ayaa waxa ku jirey in ka badan 117 Ruux oo isugu jiro rag iyo dumar isla markaana ka soo goostey ururka al-shabab ee ka dagaalama dalka soomaaliya, isgoona halkasi kala hadley maleesiyada .
Halkan Kaa daawo Video.