Waxaa magaalada carmo Gaar ahaan Masaajidka Taqwa ka Bilaamay tartanka Quraanka Kariimka ah oo ay ku tartamaayeen 14 oo ku kala Tartamaayay Sadex Qaybood oo kala ah 30 Jis ,20 Jis iyo 10 jis
Tartankan ayaa waxaa Hormuud ka ah Mu.asasad Al Minhaaj oo Guud ahanba Wada Tartanka quraanka Gobalada Puntland waxaana Maantay Ardaydii ku Tartantay Quraanka kariimka ah Indhahooda laga Dheehan karay farxad aan La soo Koobi karin
Sakaaya 10 Subax Nimo ayuu si toos ah uga Bilamaay Masaajidka Taqwa ee Degmada Carmo iyadoo Boqolal dad ah ay soo Buux Dhafaiyeen Masaajidka kuwaas oo ku Faraxsanaa inay arkan Arday da.yar ah oo ku tartamaysa Quraanka kariimka ah waxaana uu soo Idlaaday 9 Gaalkii Glabnimo ee Isla Maantay
Bari ayaa lagu Dhawaaqi Doona Ardayda usoo Gudubta inay ka Qayb Galaan tartanka Kama danbaysta ah ee lagu qaban doono Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaana isugu Iman Doona Dhamaan ardayada ka soo Baxda Degmadooda oo Tiro ahaan laga Doonaayo Sadex Arday oo u kala Tartami doona Sadexda Qaybod ee Tartanka
Mu.asada al Minhaaj ayaa Sanadka qayb wayn ka qaadatay inay dhalinta Rer Puntland u qabato tartamo kala Duwan oo lagu korinaayo Aqligooda looganah ilaalinaayo waxyaalah Dhabka u keenaayah Maankooda
Idale News Online,Carmo.