Daawo Sawiradda: Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay dadweyne kula fiidsaday Muqdisho

0
191

Goobihii uu Madaweynahu tegay xalay fiidkii ayaa waxaa ka mid ahaa Hotelka Jazeera ee Muqdisho halkaasi oo ay dad badan oo shacab iyo masuuliyiin ah kuwada sugnaayeen. Madaxweynaha ayaa dadka koox koox iyo mid mid u uga xaal wareystay nolasha guud ee magaalada iyo Xaaladda Dalka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan noloshii gaarka aheyd oon mudo aan ka maqnaa aan anigoo mas’uul ah soo kormeero oo aan arko dadkii asxaabtii hore oo aan halkan kula fiidsado. Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha waxaan u sheegayaa in magaaladan aysan cabsi ka jirin oo nolol caadi ah ay ka jirto. Marka waxaan leeyahay dalkii waa innoo nabad ee dib ugu soo noqda” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaaa ku ammmaanay ganacsatada Soomaaliyeed sida ay u hormariyeen ganacsiga iyo bilicda magaaladda isaga oo si gaar ah ugu mahad-celiyey dadka qurba joogta ah ee dalkooda maalgashaday.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay hey’adaha ammaanka howl-galladda ay ku sugayaan amniga iyo ka hor-taga falalka shacabka lagu waxyeeleynayo.”Qorshaha Xasilinta Dalka ayaa ah in hay’adaha amniga ay si toos ah ula shaqeeyaan shacabka oo amniga iyo nabadeyntu ay noqoto mid ay shacabka leeyihiin. Waxaan sidoo kale ammaan u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed oo si hagar la’aan ah ula shaqeeya hay’adaha Dowladda”.

1908300_10203624363708333_3892167230511995427_n

10345538_10203624364108343_6864897339649015486_n

10336662_10203624364588355_3650619940025655373_n

 

 

6702_10203624363508328_1299480754449348631_n

10366251_10203624364268347_4507836009268370341_n

Idale News Online, Muqdisho