Daawo Sawiradda: Maamulka Madoobe Nuunow Oo Kulan Ku Yeeshey Baydhabo

0
207

Baydhabo(INO)-kulan ay  isagu yimaadeen golaha wasiirada ee maamulka koonfur galbeed aya shaley ka dhacay hoolka shiriarka ee maamulka koonfur galbeed e magaalada baydhaba.

Kulankani ayaa waxaa shir gudoominayey maddaxweynaha   Madoobe Nuunow Maxamed waxaa loogu doodey marxaladii kala duwanaa ee Dhowaanahan ka Dhacey Magalda Baydhabo ee Caasimada koonfur galbeed.

Waxaa kaloo la isla soo qaadey Dhibaatooyin loo geystey Shacabka koonfur galbeed Soomaaliya oo Xuriyadooda iyo Rabitaankooda laga hor istaagey.

Wasiiradii kulanka ka qeyb galey ayaa sheegey in Shacabka koonfur galbeed ee Soomaaliya marna la qasbi karin oo ay heystaan Maamul ay Gacantooda ku soo dhisteen oo u adeegaayo rabitanak Shacabka.

Waxa kaloo halkaa Lagu shaaciyey in aaysan jirin Wax heshiis ah oo ay la galeen  Shariif xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale waxey umad Soomaaliyeed iyo Calamka ay ogeysineyaan in lagu xadgudbey Xuriyada Shacabhka koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo loo isticmaaley Awoodii Ciidamada Amisom oo si qaldan loo isticmaaley, oo Shacabkii loo isticmaaley in lagu Caburiyo sidoo kale ayaa waxey u sheegen wixii Awaaqib xuma ah ka dhasha falka Ciidamada Amisom ay ku kaceen oo ka dhasha ay Masuul ka yihiin.

Sidoo kale ayaa waxey u shegeen dowlada federalka Igad iyo Amisom in Mar’naba aan Ogolaaneynin in Dhulka koonfur galbeed la kal Qeybiyo.

kulan1

kulan2

kulan


Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here