Daawo Sawiradda: Maamulka KMG Ee Jubba oo Gaadiid Dagaal kala Soo Degay DekaddaMagaaladda Kismaayo.

0
186

Maamulka KMG ka Jubba uu gudoomiyaha ka yahay Axmed Madoobe ee ka arimiya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa maanta kala soo degay dekedda magaalada Kismaayo gawaari dagaal iyo hub aad u fara badan, sidoo kale waxaa la sheegayaa in gawaaridaasi iyo hubkii lasaarayay iyo kuwa kale uu maamulka Jubba filayo maalmaha soo socda qarashka lagu soo iibiyay uu bixiyay Xildhibaan Shariif Xasan si u abuuro xiisad dagaal ee dhexmarta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Jubba ee qoriga caaradiisa ku heysta magaalada Kismaayo.

juba3

Warar hoose aanu ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in uu maamulka KMG ka Jubba ee uu Gudoomiyaha ka yahay  Md Axmed Madoobe ay isu diyaarinayaan dagaal ay kala hor tagaan dowlada goboleedka cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu madaxa kayahay Md Madoobe Nuunow Maxamed loona doortay in ay ka arimiso 6 gobol ee koonfur galbeed Sooomaaliya, waxaana dadka deegaanka wal wal ka muujinayaan diyaar garowan dagaal ee uu wado Maamulka Jubba.

juba2

Dadka deegaanka Jubbooyinka ayaa ugu baaqay dowlada Xasan Sheekh in ay rintani diyaar garowga dagaal uu wado maamulka Jubba  inteysan sii fogaan ka hortagto hadii kale cawaaqib xumo xoogan in ay ka dhashaan ayaa laga yaabaa ayey yiraahdeen dadka deegaan Jubbooyinka oo codsi deg deg ah u diray dowlada Xasan.

juba1juba5juba6

Idale News Online, Kismaayo