Baydhabo(INO)-Jaamacada jubbada sare ama Upper jubba Ee Magaalada Baydhabo Janaay ayaa Ardey gudoonsiisey shahaado.
Xaflada Balaaran oo ay ka soo qiib galeen Dhamaan qiibaha Kala Gedisan Ee bulshada ku dhaqan magaalada baydhabo, ayaa ka dhacdey gudaha jaamacaddaasi.
Waxaana Xaflaadasi soo xirey Proff. Fowz Abdi nuur oo ah Gudoomiyaha aqoonyahnada koonfur Galbeed soomaaliya isagoo aad u amaaney Howsha Dar dargalinta warbashada ay wado jaamacada Upper Jubba oo dhawaan laga furey magaalada baydhabo janaay.
Jaamacada Jubbada Sare oo bixiso labo kuliyadood oo kala ah Kuliyada xanaanada xoolaha iyo weliba kuliyada beeraha isla markaaana laf dhabar u ah bulshada koonfur galbeed soomaaliya.
Sidoo kale jaamacadda jubbada sare waxay Beeraley badan ay siisey, dhiira galin ku aadan tacbashada beeraha,tababaro iyo weliba Dhalinyarada waayey inay helaan jaamacad ayaa waxay siisey Fursado Aqoon korarsi.
Ugu dambeyntii Jaamacadda jubbada Sare ayaa waxay ku guuleysatey sii wadesta iyo wacyaglinta bulshada koonfur galbeed somaaliya, kuwaasoo mudo qarniyo ah ku howlanaa dhaqashada xoolaha iyo tacbashada beeraha.
Halkan Ka Daawo Sawiradda, Jaamacadda Upper jubba.
Idale News Online, Baydhabo.