Banaanbax balaaran oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo lagu muujinayay midnimada Koonfur Galbeed laguna taageerayay Gollaha Wasiirada Cusub ee Dowlada Goboleedka K/galbeed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo Janaay.
Banaanbaxan ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar kamid ah Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed oo ugu horeeyo Gudoomiye ku xigeenka Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur, Wasiirada cusub, Haween, Dhalinyaro, Arday iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Baydhabo.
Goobtii uu ka socday dibadbaxa ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Gudoomiye ku xigeenka Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur waxa uuna sheegay in Koonfur Galbeed ay leedahay Cadow badan loona baahanyahay in loo diyaar garoobo sidii la isaga difaaci lahaa.
Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Koonfur Galbeed C/fitaax Ibraahim Geesay ayaa si adag u sheegay in Madaxda sare ee dowlada Muqdisho yihiin Cadowga Koonfur Galbeed, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay in Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh uu Kismaayo u joogo siduu u kala goyn lahaa Koonfur Galbeed.
Dadweynihii kasoo qeybgalay Banaanbaxaan ayaa dhamaantood dusha ka soo wada huwaday Astaanta Calanka Umadda Koonfur Galbeed Soomaali
Idale News Online, Baydhaba.