Maamulka degmada Dayniile oo ah maamulka kaliya ee wax ka bedel lagu sameeyay wixii ka danbeeyay xilligii ay jirtay dowlada Xassan Sheekh uu madaxweynaha ka yahay ayaa waxa uu qaaday tilaabooyin lagu anba qaadayo horumarka degmada, waxa uuna wadooyin waaweyn u sameeyay xaafada CC oo waligeed aheyd xaafad oobasiib ah oo aan laheyn jidad gaadiidku maraan.
Wadooyinkaan la bixinayo oo ay hareer socoto Carra Kaawo kushubid wadooyin kale oo bucaad xiray ayaa waxa uu maamulku ka kaashanayaa shacabka degmada dega oo u heelan howlaha degmadooda lagu hor marinayo.
Qaar kamid ah bulshada ku nool xaafada wadooyinka loo bixinaayo ayaa waxa ay aad u soo dhaweeyeen howshaan iyaga oo sheegay in ay aheyn arin xilli hore loo baahnaa.
Gudoomiyaha oo saxaafada kula hadlay halka ay kasocdaan howlaha la xariira bixinta wadooyinka ayaa waxa uu ku booriyay maal-qabeedana kasoo jeeda degmada in ay maal gelin ku sameeyaan horumarku u noqdo mid ku socda hanaan wanaagsan,isaga oo intaa raaciyay in ninkii dhul ku leh deyniille ee aan dhisin laga sii doono ruux u baahan oo dhisanaya maadaama dhul aan dhisneyn uusan waxba kusoo kordhineyn degmada.
Xaafada CC oo soo jirtay tan iyo 1970-meeyadii ayaa waxa ay lamid aheyn xaafadaha kale ee oobasiibyada isku raranta ah ee magaalada ka jira hasa yeeshee laga bilaabo xilligaan waxa ay ku biirtay xaafadaha ugu wadooyinka qurxoon caasimada arintaas oo lagu xasuusan doono gudoomiyaha xilligaan degmada ka howl gala ee Xiireey Muxidiin Cumar.
Xiireey Muxidiin Cumar ayaa waxa uu sheegay in sababaha keenay in ay wadooyinka furaan ay kamid tahy cabasho deegaanka ka timid iyo sugidda amaanka maadaama xaafadaha isku raranta ah aan sugidda amaankoodu noqon karin mid sidii la doonaayay u taabba gala.
Waxa uu balan qaaday gudoomiyuhu in xaafadaha dhan wadooyinkooda lagu shubi doono Carra Kaawo si hanaanka ay gaadiidku u isticmaalaan uu u noqdo mid wanaagsan iyada oo xilligaa ka danbeeyana xaafado hada uusan ka howl gelin gaadiidka dadweynaha qaada sababo la xariira bucad dartii laga howl geli doono.
Idale News Muqdisho