Waxaa Barqanimadii Maanta mar kale Midaaharaad ay udhan yihiin Caruur, Dhalinyaro, Odayaal iyo Haween ka bilowdey Magaalada Baydhabo Janaay caasimada gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Banaanbaxaan ayaa xoogiisa maanta la iskugu geeyay xeryaha ciidamada Amisom ee Itoobiya iyo Baar Bakiin oo ay banaanbaxaayaasha ku tuhunsan yihiin in uu ku jiro Shariif Xasan Sheikh Aadan oo xalay maqribkii si dhuumaaleysi lagu soo geliyay magaalada.
Dibadbaxayaasha ayaa maanta lagu arkaayay iyagoo ku is istaagaya sawirka Shariif Xasan oo calaamad gaduudan dusha kaga xariiqan halka qaar kalana ay gubaayeen taayaro iyo sawirada Shariif Xasan sida uu kusoo waraamyo Wariyaheena magaalada Baydhabo.
Wariyaha ayaa intaas ku daray in dadka mudaaharaadaya ay wataan boorar ay ku qoran yihiin Shariif Sakiin dooni meyno iyo caada qaate doonimeyno sida aad ku arkeysaan sawirada goor dhow laga soo qaaday banaanbaxa.
Isku soo wada duuboo waxaa maanta gebi ahaanba xiran goobaha ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiid kaasoo sabab u ah mudaaharaadyo hareeyay magaalada oo idil.
Idale News Online, Baydhabo