Daawo: Puntland Oo Markab Dagaal Udirtay Badda, Xili uu Amankii Magaaloyinku Faraha Ka Baxay

0
233

Boosaaso (INO) Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ka amba bixiyey markab kuwa dagaalka ah oo ay la socdaan ciidamo katirsan kuwa badda ee maamulkaasi.

CIIDAN

Markabkan oo la sheegay in lagula dagaalamayo maraakiibta sida Sharci darada ah uga kaluumaysta Xeebaha maamulka Puntland ayaa waxaa maamulka Puntland ku wareejisey shirkad lagu magacaabo Somali Security Service waxaana Markabkani isla maanta uu u baxay xeebaha lagu tuhunsan yahay inay maraakiib sharci daro ah joogaan.

Talaabadani uu qaaday maamulka Garoowe ayaa kusoo aadaysa xili amaanka magaalooyinka waaweyn uusan sidii hore ahayn, iyadoo Xaalada magaalada Boosaaso ay marayso meel halis ah sidoo kalana uu  dhowaan Qarax aan hore uga dhicin Puntland uu ka dhacay magaalada Garoowe.

Halkan Ka Daawo.


Idale News Online, Bosaaso