Baydhabo(INO)- Dr. Xasn Xaaji cali (Amardanbe) ayaa maanta ololihiisa musharaxnimo kuu soo bandhigay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Ka dib markii maanta si diiran Magaaalada Baydhabo loogu soo dhaweeeyey Mushax Dr. Xasan Xaaji Cali (Amardanbe) oo u taaagan in loo doorto mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Ee 2016.
Munaasabad lagu wargelinaayey dadweynaha ku nool Deegaanka musharaxa uu ka soo jeedo oo ah Gobolka Bay lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Munaasabada ayaa waxaa kasoo qayb galay odoyaal dhaqameedyo,Xildhibaaano Ka Tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Aqoonyahano,siyaasiyiin,culmaa’udiin,waxgarad,Haweeen, iyo dhalinyaro .
Munaasabada waxaa kahadlay masuuliyiintii iyo waxgaradkii ka soo qaybgalay iyagoo soo dhaweeyey musharaxa soona Jeediyey in dalku uu u baahanyahay isbedel siyaasadeed oo aqoon ku dhisan.
Waxaana ugu danbeyn kulanka kahadlay Musharax Dr Xasan Xaaji Cali (Amardanbe) oo sheegay u jeedada iyo sababta uu isu soo shaxidiisa waxaa uu sheegay in dalka uu u baahanyahay isbedel siyaasadeed oo ku dheehan horumar taas oo aqooni ku jirto isagoona Bulshada Beeshiisa ka Dalabdey inay u hiiliyaan Maalinta Codbixinta.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Wariye Abshir Maxamed Nuur Mandella , Warbaahinta