Daawo: Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo si weyn loogu soo dhoweeyay Baydhabo

0
168

Baydhabo(INO)— Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koofur Galbeed.

Safarka Musharax Jibriil ku tagay Baydhabo ayaa qeyb ka ah safaro uu ku kala bixinayo magaalooyinka lagu wado inay dhowaan ka dhacaan doorashada labada aqal ee Baarlamaanka.

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo todobaad ka hor Muqdisho kaga dhawaaqay Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha ayaa ololihiisa si ka duwan Musharaxiinta kale waxaa uu ka bilaabayaa gobolada dalka Soomaaliya.

Musharax Jibriil ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dadka soo dhoweeyay ayaa watay sawiradiisa, isagoo gacan qaaday dadkii soo dhoweeyay, waxaa ka muuqatay kalsooni iyo dareen farxadeed.

Musharax Jibriil oo Wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Baydhabo yimaado, isagoo ka mahad celiyay sida weyn ee loo soo dhoweeyay.

Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu noqonayaa Musharaxii ugu horeeyay ee taga Baydhabo.

Halkan Ka Daawo Sawiro

jibriil1

jibriil
jibriil2jibriil3jibriil4jibriil6jibriil7jibril11