Daawo: Munaasibad la isku arkay oo ka dhacday Muqdisho, Dr: C/kariim oo ka Warbixiyey sidii uu howl geliyey Tv-ga Qaranka

0
266

Muqdisho (INO) Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday munaasibad Balaadhan oo lagu Xusayey Sanad guuradii 4-aad ee kasoo wareegtay Dib u howl gelintii Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, waxaana munaasibadan kasoo Qayb galay Masuuliyiin kala duwan, Fanaaniinta Qaranka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdikariim Xasan Jaamac oo isugu ahaa Wasiirkii xiligii uu hayey Xilkaasi howl geliyey Warbaahinta Qaranka ayaa goobta ka hadlay wuxuuna ka warbixiyey dadaalkii ay ku bilaabeen Tv-ga Xiligaasi, Sidoo kale wuxuu sheegay inuu hada dhinaca Waxbarashada u jeestay islamarkaana wuxuu goobta ka balan qaaday taageero loo fidin doono howl-wadeenada Warbaahinta Qaranka.

Wasiiirka Qorshaynta Qaranka Cabdiraxmaan Caynte oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in BBC iyo VOA ay leeyihiin dawlado kale, laakiin ay mudan tahay in la gaaro heerka ay joogaan, sidoo kalana Wasiirka Waraafinta Soomaaliya Maareeya ayaa xadhiga ka jaray Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONA.

Halkan Ka Daawo.

CABDIKARIIM

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here