Daawo: Maxkamada Qalabka Sida Ee DFS Oo Dambe Ku Weysay Gabar Uu Dhaley Malaaq Xasan Shure

0
177

Baydhabo(INO)- Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Ee Soomaaliya ayaa Maanta dambe weysey Gabar uu dhaley Malaaq Xasan Shure Maxamuud taasoo Ku Xirney Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay tan iyo  21th Augest 2016.

Gabadhan oo lagu magacaawa Aamino Xasan shure ayaa maanta Maxkamada Ciidamanka Qalabka sida Ee Soomaaliya waxay taliyaha Xabiga ku amartey inuu si deg deg ah ugu saaro xabsiga hadii aan dambe kale loo haysan iyadoona laga waayey waxyaabihii lagu soo eedeeyey oo ahaa in ay xariir la leedahay Kooxda Khilaafka Islaamka Ee ISIS Ee Dagaalanta Dalalka Ciraaq iyo Syria.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Bay, Aadan Abuukar Maxamed ayaa sheegay in afartaan ruux lagu riday midkiiba 10 sano oo xabsi ah; isagoo xusay in maxkamadu ay xukunkooda ku dhawaaqday.

Sidoo kale, Xubnahan la xukumay ayaa waxaa ku jira; C/casiis Xasan Mursal oo la sheegay inuu yahay Wakiilka Khilaafada Islaamka d ee Baydhabo, sidoo kalena waxaa ka mid ah Mahad Nuur Siidoow oo isagana la sheegay inuu Daacish u Qaabilsanaa Qaraxyada, Maxamed Sheekh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaaboow oo la sheegay inuu Daacish u Qaabilsanaa Dilalka Qorsheysan.

Taliska Sirdoonka Baydhabo, ayaa horraantii bishan waxay magaaladaas kusoo bandhigeen Raggan la xukumay oo lagu soo qabtay hawl-galo laga sameeyay Baydhabo waana xubnihii ugu horreeyay oo Daacish ah oo lagu xukumo gobolka Bay.

Ugu dambeyn, Degmada Baydhabo ayaa waxaa horay ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia ugu xukuntay rag ka tirsanaa Al-shabaab oo ku eedeysan qaraxyo khasaare badan geystay oo magaaladaas ka dhacay.