Muqdisho(INO)- Waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa markii ugu horeysay magaalada Muqdisho ku qabtay shir madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.
Shir madaxeedkan oo Shalay dhacay ayaa waxaaa ka qeybgalay toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.
Wallow Madaxda Wadamada qaar aysan Shirka ka soo qeyb gelin hadana Wakiilo ayaa u joogay.
26 kii Sanno ee Soomaaliya ku jirtey Dagaaladda Sokeeye waxaa Soomaaliya Faregelin ku soo sameeyey Dowladdo fara badan haddii aan soo qaadano Dowladaha ka tirsan IGAD Faregilintooda waxay isugu jirtey mid Meleteri iyo mid siyaasadeed
Madaxdii IGAD ee shirka timid waxaa u jooga wadanka Soomaaliya ciidan baden oo labaxay magaca AMISOM, waxana iska cad in wadamada Kenya, Ugandha iyo Itoobiya ay ku dhex Tartamayaan siyaasasa Soomaaliya.
War murtiyeedka laga soo saaray shirka oo ka koobnaa 22 qodob,ayaa Madaxda IGAD ay xaqiijiyeen Midnimada Soomaaliya, madax banaanida, dhuleed iyo xornimada, iyadoo lagu taageeray doorashada dadban ee dhowaan ka dhaceysa dalka.
Sidoo kale Madaxda IGAD ayaa ku baaqay in arrimha Soomaaliya looga dambeeyo dowladda Federaalka, hadii ay ahaan laheyd Xasilinta iyo dib u dhiska.
Haddaba Siyaasiga ka faalooda Arimaha Soomaaliya Maxamed Caalim oo la hadlay TV-ga Kalsan ayaa Sharaxay Sirta Qarsoon ee ku duugan Shirkii IGAD, isagoona sheegay inuu yahay mid lagu taageerayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Halkan Ka Daawo VIDEO