DAAWO: Madaxweyne Siilaayoo oo ka qiib galeyXafladii Qalan Jibintii Ardeyda Jaamacadd Burco.

0
181

Madaxweyne Axmed Silaany o iyo Wasiiradiisa oo ka Qayb Galay Qalin Jebintii Jaamacada Magaalada BURCO Iyado Halkaas Shahadooyin Lagu Gudoonsiiyay Ardaydi Waxbarashada Dhameysatay

Weftigii Madaxweynaha xalay u seexday Magaalada Burco ayaa saaka ku waa bariistay Magaaladii oo aad boodo in daad ku soo rogmaday markii ay isa soo tubeen dadweyne aad u tiro badani Guriga Martida hortiisa oo uu madaxweynuhu xalayku hayday markii ugu horaysay ee laga hirgeliyo Guri Martiyeed oo Dabaq a.


Madaxweynaha oo u soo baxay saaka si uu mashaariic uga fulin lahaa Gobolka Togdheer gaar ahaan Caasimadiisa Burco ayaa waxa uu xadhiga ka jaray Guriga aadka u quruxda badan ee loo dhisay Gobolku inuu dad ka ku soo dhaweeyo marka martida loo yahay.

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu la hadlay kumanaan dadweyne ah oo hadii usha cirkaa loo tuuraa aanay qof mooye cid kale ku dhacayn.

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay in uu xadhiga ka jaro Xarunta wakaalada Biyaha burco ay u dhistay 5 Mishiin iyo Hal-ceel oo ah kuwa magaalada biyaha siiya.

Isaga oo madaxweynuhu sii wata hawlihiisa mashaariiceed ee gobolku ku talaabsaday isaguna uu hormuudka ka yahay waxa uu ka qaybgalay xalada qalinjebinta Jaamacada Burco isaga oo sawiro la galay Ardayda Jaamacada Burco taasi oo ka dhigaysa madaxweynihii u horeeyey ee Ardaydiisa siiyey wakhti ay kula galaan Sawir Photo-Group ah, kadibna waxa uu xadhiga ka jaray ICT-Library kaasi oo ay u dhistay Shirkada Isgaadhsiinta ee TELESOM Jaamacada.

Sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray dhismo loogu talo galay inay degaan Martida jaamacada Burco wax ka dhigaa taasi oo ay suuragelisay dhistayna Shirkada Dahabshiil Group.
Wixii intaasi ka danbeeyeyna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay Hoolkii Xalada Qalinjebintu ka dhacaysay oo ay ku sugnaayeen 121 Arday oo ay maanta u ahyad Maalintoodii kana muuqatay Farxad iyo dhoolacadayn dheeriyi madaama ay heleen waxay ku riyoonayeen oo ahaa inay mar uun indhaha ka qaadaan reer Burco Madaxweyne Somaliland hogaaminaaya oo fadhiya xalada Qalinjebintooda.

Madaxweynaha oo shahaadada First Degree gudoonsiiyey 6 Arday oo ahaa kuwii ugu sareeyey Kuliyadaha Jaamacada iyo Intii gacan ka gaysatay hirgelinta iyo dhiirigelinta jaamacada Burco University, waxaanu ugu danbayn dhagax u dhigay Madaxweynuhu wadada Jaamacada Tegaysa.

Waxaanu uga sii gudbay suuqa weyn ee Magaalada kaasi oo ahaa maanta mid aad moodo in daad ku soo rogmaday lafahaagana aad uga baqayso inuu qof ku dulmaro sida baabuurka ama ku qariyo kolanyo baabuur ah dadkaasi oo ku dhaqaaqayey soo dhawoow madaxweyne iyo Ereyo kale oo badan.
Waxaanu xadhiga ka jaray wado halbowle u ah Burco taasi oo ay ku soo xoomeen dadweyne aad ku qiyaasi karto markaad fara-badnidooda aragto Shini mooye aanad is odhan Karin.

Waxaanu Madaxweynuhu ku soo guryo noqday Guriga Martida oo uu degan yahay hada waxaana la rajaynayaa inuu maalmo ku sugnaado Gobolka kana hirgeliyo Mashaariico farabadan oo ka hirgalay gobolka.

#
Idale News Online, Burco Togdheer.