Xudur(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Somaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray Magaalada Xudur ee gobolka Bakool , waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan maamulka Degmada Xudur iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo sidoo kale xildhibaano kasoo jeeda degmooyinka gobolka Bakool.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sababta uu u tagay Magaalada Xudur , waxaa lagu sheegay in ay tahay ka warqabida dadkii dhawaan kasoo barakacay degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool oo gacanta u gashay ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa la hadley Boqolaal Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed iyo Kuwa DFS ah isagoo u jeediyey Khubad dhiiru galin ah oo gilgilsey Laabtaa Ciidamada.