Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa ka Goor Dhaweyd Soo Degey Garoonka Diyaaradaha Dr. Shati-gadud isagoo howl shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqadisho.
Waxaana si aad ah u soo dhoweeyey Kusimaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada AMISOM,iyo ururada Bulshada Rayidka Ee Baydhabo.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Ka qiib Galey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo Shaley Lagu soo gebo gabeeyey Magaalada Muqdisho
Ugu dambeyntii, Cadaalad darada lagu qeybsaday Xubnaha Gollaha Aqalka sare ayaa waxay guusha ku raacday Beelaha Daarood iyo Hawiye oo kala helay min 19 Xubnood iyo 16 halka Digil Iyo Mirifle la siiyay 8 Xubnood taasoo u muuqata mid kamid ah Guul darooyinka Digil iyo Mirifle Sanooyinkan danbe soo wajahaya.
Halkan Ka Daawo SAWIRO