Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowladda South West State of Somalia Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wefidi Uu Hogaaminayo ayaa Safar Shaqo ah Ku Jooga dalka Isugu Taga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Dowladda KGS ayaa kulun La Qaatey Wasaaradda arimaha dibaddaa iyo Wasaaradda Amniga ee Dowlada Imaaraadka Carabta, waxaana kulunka looga hadley arimo dhowr ah sida; sidii loo horumarin lahaa Garoomada Diyaaradaha iyo Dikadaha ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Arimaha Amniga iyo Maamulka Suuban.
Madaxweyne Shariif Shariff-Hassan Sheikh-Adan iyo wefigdiisu ayaa la filayaa inay dib soo laabtaan Habeen Dambe.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Waxay Soomaaliya ka wada Mashaariic Horumarineed, iyadoona dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ay dooneyso in Maalgashi lagu sameeyo Degaanadeeda.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, UAE