Daawo Sawirada :Madaxweynaha Dowlada KGS Oo Kulan La Qaatey Danjiraha QM Ee Soomaaliya Nuchlus Key

0
222

Baydhabo(INO)-Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nickolas Kay ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ahna magaalo madaxda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Waftiga uu hogaaminayo Danjire Nickolas Kay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan, golaha xukuumadiisa iyo dad shacab ah, waxaan labada mas’uul hada kulamo kuleeyihiin madaxtooyada maamulka koonfur Galbeed.

Khamiistii, ayaa weerar abaabulan lagu qaaday Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, xilli uu ku sugnaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, inkastoo uu werarkaasi ka badbaaday.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay iminka lee yihiin shir ay albaabada u xiran yihiin, Saxaafadana looga warami doono marka  la soo gaba gabeeyo.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday in Beesha caalamka in ay taageero balaaran siiyaan maamulka curdunka ah ee Koonfur galbeed ee Soomaaliya oo dagaalo kulajira ururka Alshabaab.

Halkan Ka Daawo.Displaying DSC05777.JPGDisplaying DSC05778.JPGDisplaying DSC05754.JPGDisplaying DSC05769.JPGDisplaying DSC05763.JPGDisplaying DSC05758.JPG

Wariye Cabdi Nuur Mayow Cali, Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here