Jabuuti(INO)-Madaxweynaha dalka Jabuti Ismacil Cumar Geelle ayaa xariga ka jray qad tareen oo isku xira wadamada Jabuti iyo Ethiopia.
Tareenkan cusub ayaa hirgelintiisa oo socotay muddo sanooyin ah ayaa waxaa hirgelisay dowlada Shiinaha iyadoo madaxweyne Ismacil Cumar Geelle oo qudbad ka jeediyay munaasabadii furitaanka tareenka ah ayaa u mahadceliyay dowlada Shiinaha gacanta ay ka geysteen hirgelinta xadiidka tareenka ah.
Qadkani ayaa waxa uu dhanyahay 752 km waxana uu Itoobiya ka caawin doonto in badeecooyinka ka soo dega dekada Jabuuti ay si sahlan ku gaaraan.
Illaa 10 saacadood oo kaliya ayay hadda qaadan doontaa in loo kala goosho magaalooyinka Addis Ababa iyo Jabuuti, halka markii hore ay qaadan jirtey muddo 2 maalmood waxaana la isticmaali jiray waddo buuro dusheeda iyo qarfo ah.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Jabuuti