Daawo: Maalinta Nabada Aduunka oo Maanta Laga xusay Magaalada Baydhabo

0
192

Baydhabo(INO)- Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Nabada Aduunka isla markaasna lagu qabtay Xarunta Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Waxaana ka soo qayb galay xafladan Masuliyiin Ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Odayaal dhaqmeedyo, Gudiga Nabada Ee Degmada Baydhabo, Xildhibaano iyo Ciidamada AMISOM Ee Itoobiya.

Inta Badan qudbadihii laga soo jeediyay Munasabada ayaa waxaa masuuliyiintii ka hadlay ay diirada saarayeen Dhanka nabada oo uu barnaamijku quseeyey sidii laysaga kaashan lahaa Nabada ka wada shaqynteeda iyo muhiimada ay leedahay.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Ee Dowlada KGS Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo isagu wada Xuskaani ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay micnaha Xuska Maalinta Nabada Aduunka waxaa loo xuso waxaana uu sheegay in ay tahay maalin aan diini ahayn laakiin aduunku u yaqaano maalinta nabada ayna muhiimtahay in laysku baraarujiyo qiimaha nabada ay leedahay.

Inta ay soctay Minasabdu waxaa lagu soo bandhigay Sugaan ay soo jediyeen Haweenka Somaliyeed Ee Baydhabo oo ay ku cabirayan Nabada iyo qimaha ay ledahay.

Halkan Ka Daawo.

010203040506070809