Baydhabo(INO)-Tartanka Cayaaraha Ee dugsiyada Sare ee Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in la soo gebagabeeyo berito. Tartannkan oo ay ka qayb galeen 8 iskuul oo dugsiyada sare ah ayaa bishan 16 Feb ee sanakdan ka bilowday Magaalada Baydhabo waxaana soo qaban qaabisay jaamacadda Jaamacadda Bay.
Dugsiyada Ka Qiib galey ayaa waxay Kala Yihiin
- Baidoa Model School (BMS)
- Al-Qalam Primary& Secondary School,
- Salaahudiin Primary& Secondary School.
- Al-Bashaa’ir Primary& Secondary School.
- Al-Ma’arif Primary& Secondary school,
- Al- Ma’mur ONE Iyo
- Al- Ma’mur Three.
- Baidoa Primary& Secondary School . Ex 11 January School.
Ciyaarahan oo loo ciyaari doono qaab kala bax ah ayaa waxaa finaalka isu soo haray dugsiyada sare ee Macmuur ONE iyo Macmuur THREE , ciyaarta finaalka a oo ka dhcayso garoonka Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo waxaa kasoo qayb galaya madax ka socota Wasaarada dhaliyarada iyo isboortiga Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya , Guddiga Sportska Ee Gobolka Bay Masuuliyiinta Jaamacada Bay , madaxda Labada Iskuul iyo taageerayaasha labada iskuul oo siwayn garoonka u soo camiri doonaan,
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la tilmaamay in talaabada Jaamacada Bay ay tahay arin ku daysi mudan laga doonayo jaamacdaha kale Ee ka jira Magaalada Baydhabo in ay ka qayb qaataaan horumarinta isboortiga Koonfur Ggalbeed iyo Is dhexgalka bulshada.
Ugu Dambeyntii ma ahan markii ugu horeysey ee iskuulka Macmuur uu Gaaro Finalka , sanadkii hore ayay ahayd ka dib marki uu ku guuleystey Guud ahaan Kaalinta Koowaad ee Dugsiyada sare Ee Baydhabo.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
Mukhtaar Maxamed Guuleed, Idale News Online, Xafiiska Baydhabo Janaay.