Daawo: Imtixaanka Midterm-ka Ah oo Ka Bilaawday Jaamacadda Jubbada Sare Baydhabo

0
164

Baydhabo(INO)- Ardeyda Jaamacadda Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo, ayaa waxay u fariisteen imtixaanka  Term-ka Ee semester-ka , waxaana madaxda Jaamacaddu sheegeen in Imtixaanku ku bilaawday si habsami leh.

Qaar ka mid ah ardayda imtixaanka u fariistay ayaa waxa ay ka hadleen rajada ay ka qabaan, waxa ayna sheegeen in ay aad ugu diyaar garoobeen ayna filayaan in ay ku baasaan buumdooyin wanaagsan, maadaama markii horaba macalimiin takhasus leh ay wax u soo dhigeen.

Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan Jaamacadda Jubbada Sare Ee Baydhabo ayaa waxay Kormeereen Ardeyda u socodey Imtixaanka, iyagoona Guulo u rajeeyey.

Prof. Idiris Cabdi Takhtar, Gudoomiyaha Jaamacadda Jubbada Sare ayaa warbaahinta  faafahin ka siyay imtaxaanka ardeydan u fadhiistay iyo tiradooda,  isla markaana  guul u rajeyay ardeyda imtaxaanka  galeysa.

“Imtixaankaasi  ayaa maanta ka bilaawday xarun Jaamacada UJU  ee magaalada Baydhabo ,imtaxaankaasi waxaa u fadhiistay  dhamaan ardeyda  Jaamacadda kuliyadaha  kala duwan dhigta, gaar ahaan  8 kuliyadoood, 3da bisha ilaa iyi 9-ka bishan oo ku eg maalinta arbacada  ayuu socan doonaa, Ardeyda  Jaamacada Jubbada Sare si guud waan ugu hambalyeenayaa” ayuu yiri Prof. Idiris Cabdi.

Ugu dambeyntii, Jaamacadda  Jubbada Sare  waxaa dhidibada loo aasay sanadku markuu ahaa 2014, iyadoona Qiib  weyn ka qaadatey Wacyi-galinta Bulshada iyo Tababaro Badan.

Halkan Ka Daawo Sawiro

j-1j3j4j50102030405060708091011