Daawo: Hogaamiyaha Mucaaradka Uganda Kizza Besigye oo mar kale la xiray

0
249

Kampala(INO)— Hogaamiyaha ugu weyn ee Mucaaradka Uganda Kizza Besigye ayaa maanta mar kale la xiray, markii ciidamada booliska ay ku qabteen banaanka gurigiisa, xilli uu doonayay inuu abaabulo dibad bax ka dhan ah Madaxweyne Yoweri Museveni oo mar kale ku guuleystay doorashadii maalmo ka hor ka dhacay dalkaas.

Kizz

Kizza Besigye ayaa xabsi guri ahaa tan iyo maalintii Sabtidii, xilligaasoo si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijada doorashada.

Mr Besigye ayaa ku gacan seyray natiijada doorashada, waxaa uu ku sifeeyay doorashadii dhacday mid lagu shubtay.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay Kizza Besigye inuu abaabulayo qalalaase, waxaana uu xusay inay hayaan cadeymo, ayna Maxkamadda ku soo bandhigaan.

Waxaa uu sheegay in Mr Besigye uu wado qaldan wax ku raadinayo, waxaana uu xusay in hadii uu dood qabo ay aheyd inuu tago Maxkamadaha sida uu yiri.

Kizza Besigye ayaa goor dhow dib loogu soo celiyay Gurigiisa, waxaana xaalada guud ee magaalada Kampala ay tahay mid degan, hase ahaatee laga baqayo rabshado inay dhacaan.

Ciidamo fara badan ayaa ku sugan wadooyinka, kuwaasoo sugaya ammaanka, waxaana ganacsiga magaalada uu yahay mid hakad ku jira, goobaha qaarna dadka si feejigan goobahooda ganacsi ugu sugan yihiin.

Idale News Online, Kampala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here