Baydhabo(INO)- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa Maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay kula Kulmey Qabiir sare oo Ka Shaqeeyeeya Arimaha Waxbarashada isla markaana in badan Gacan soo siyey Wasaarada Waxbarashada Ee Maamulka Gooni U Goosidka Somaliland ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.
Mr. Janes oo hada ka Socoda Hay’ada Qaramada Midoobey Ee u qaalbilsan arimaha Horumarinta iyo mashaariicda Ee UNDP ayaa gacan ka siin doonaa wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya qaab dhismeedka iyo dhinaca tababarada Shaqallaha Wasaaradan.
Ugu Dambeyntii, Wasaarada Waxbarashada Koonfur Galbeed ayaa mudooyinka dambe Waxay ku mashquulsaneyd isku dabaridka arimaha Waxbarashada Gobolada iyo Degmooyinka KGS iyo tababarida Shaqallaha.