Baydhobo(INOI)-Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ka furmey Tababar Socon Doono Mudo 3 maalmo kaas ay soo Qaban qaabiyeen Hay’ada Interpeace iyo Maamulka Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Tababarkan Ayaa waxa loo Qabtay Dhalinyarada Magaalada Baydhabo oo tiradooda Gaareyso 40 dhaliyaro ah, waxaana furay Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada C/laahi Cali Watiin.