Daawo: Go’aankii Tarzan oo ka careysiiyey Milkiilayaasha Guryaha burbursan “Kii Shaley dumiyey Maanta waan qaadanaa ka yeeli meyno”

0
261

Idale News Online “INO”, December 08, 2013: Go’aankii dhowaan uu soo saarey gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee lagu amraayey milkiilayaasha guryaha burbursan ee degmooyinka Banaadiriga u badan yihiin ee Xamarweyne, Shengaani iyo Cabdicasiis in ay muddo 3 bilood ah ku dhisaan haddii kale dowladu la wareegi doonto ayaa waxaa si caro leh ugu jawaabey milkiilayaasha guryaha degmooyinka la tilmaamey waxayna sheegeen  in tahay mid aan la qaadan karin oo aan sharci aheyn.

burburkaGuryaha
Mid ka mid ah dadkii halkaasi guryaha ku lahaa ayaa yiri “guryihii dowlada ee faras magaalaha magaalda Muqdisho sida hoteelada Curubo, Jubba iyo xarumihii kale ee dowlada ayay dowladu dayactiran la’dahay oo weli burbursan, kuwa la dayactirayna dowlado shisheeye sida Turkiga iyo dalal kale ayaa ku howlan, marka ma yeelayno in shaley guryaheenii dadkii gacmaha ula tagey ee buburiyey in haddana muddo yar noo qabtaan  inaan ku dayactirano iyagoo aan taakuleyn iyo weliba tixgelin naga siin dhibkii shaley guryaheena loo geystay.

Beelaha Banaaderiga ee inta badan leh guryaha burbursan ee goobaha la maamulka gobolka tilmaamey ayaa iyagu cabsi soo foodsaartay, waxay qaarkood bilaabeen inay suuq geeyaan guryahooda oo ay iibsadeen maadaama aysan haysan dhaqaale ay ku dhistaan, muddada sedexda bilood ee loo qabtayna ay tahay mid aad u yar.

Maamulka gobolka Banaadir oo isugu isku howlaaya soo celinta bilicda magaalda magaalada Muqdisho ayaa dhanka ee dhibaatada soo gaartay ee ummada Soomaaliyeed tixgelin gaar ahaan degmooyinka dhibaatada ugu xoogan ay ka soo gaartey dagaaladii soo noqnqoday ee magaalada Muqdisho, waxayna adka Soomaaliyeed u arkeen amarka gobolka Banaadir ka soo baxay in si gooni ah loogu bartilmaameysanaayo dadkii iyagu horey dhibaatada loogu geystay guryahooda iyo maalkoodaba.

Idale News Online, Muqdisho, Somalia