Muqdisho(INO)— Dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhiga degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo iska hor imaad muddo socday uu halkaas ku dhex maray dableydii iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa saldhigaas
Weerarkan ayaa ku bilowday gantaalada garbaha laga tuuro, waxaana rasaasta labada dhinac is weydaarsanayeen laga maqlayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ka hor-tageen weerarkaas, isla markaana ka itaal roonaadeen dableydii soo weerartay, waxaana iska hor imaadka la isla gaaray ilaa Shineemo Cabdi Waayeel.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in saddex ka mid ah dableydii weerar soo qaaday ay toogteen Ciidamada ammaanka, isla markaana ay ka carareen meydkooda, waxaana uu ku ammaanay Ciidamada sida ay uga hor-tageen weerarkaas.
“Waa ujeedaan kooxdii soo weerartay Saldhiga Huriwaa in meydadkooda ay halkaan yaalaan, waxay ahaayeen sideed ruux, saddex ka mid ah waa la dilay, iyagoo hubkooda wata, waa ka xunahay in dhalinyaradan la soo qalday oo hub inta loo soo dhiibay weerara la dhahay”ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.
Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Jen, Cali Xirsi Barre ayaa sheegay in ciidamada booliska ay iska difaaci doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado saldhigyada ay ku sugan yihiin.
Weerarkan xalay lagu qaaday Saldhiga Booliska Huriwaa ayaa noqonaya kii u horeeyay oo toos ah oo lagu qaado saldhig ka mid ah kuwa ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas noqonaya kii u horeeyay ee sanadkan 2016 Al-Shabaab qaadaan.
Idale News Online, Muqdisho