Baydhabo(INO)- Iyadoo xusul duub weyn loogu jiro helitaanka kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee sanadkan 2016 ayaa Ex. Wasiirkii Hore Kaluumeysiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Ibrahim oo ka mid ah dadka doonaya inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 2016 ee bedelaya kan hadda shaqeeya .
Waxaana uu sheegey sababaha ku kallifay in waqtigan xaadirka ah uu u soo istaago inuu qabto jago Xildhibaanimo wuxuu inoo sheegay in ay kula habboonaatay in waqtigan wixii ka dambeeya uu qibradiisa uga faa’iideeyo Dalkiisa iyo Dadkiisa.
“Haddii aad ii Xulataan inaan wakiil idinkaga noqdo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 2016 waxaan laban laabi doonaa waxqabadkaygii hore, waxaana aan idiin ballan qaadaya inaan wax badan ka qaban doono baahiyiinna kala duwan ee aasaaska u ah nolosha dadka iyo deegaanka “sidaa Waxaa yiri Musharax Ex. Wasiir Cabdiraxmaan Sheekh Ibrahim.
Ex. Wasiir Mudane C/raxmaan Sheekh Ibrahim waxaa lagu xusuustaa Kaalinti uu Ka Geystey Raadin Xasiinooli iyo Deganaansho ka dhalata Dalka iyo Maamul Wanaagii Wasaaradiisi, isagaana Daruufo adag kula soo shaqeeyey Dowladahii KMG ahaa Ee Soomaaliya Soo Marey.
Musharax Cabdiraxmaan Al Ashcari wuxuu leeyahay Khibrado fara badan oo xagga ganacsiga, Siyaasadda iyo Diplomasiyada ah.
Musharax Cabdiraxmaan Sheekh Ibrahim wuxuu ballan qaaaday haddii uu EEBBE idmo oo uu ku guulaysto jagada Xildhibaannimo inuu noqon doono xildhibaan dalka iyo diintaba u shaqeeya wax badanna ka beddeli doona Siyaasada Dalka Soomaaliya gaar ahaan Amaanka,Dhaqaalaha,Garsoorka iyo adeegyada kale ee Bulshadda.
Waxa kale uu sheegay haddii uu ku guuleysto Xilkaasi inuu Bulshadda ku nool Degaanada uu ka soo Jeedo ku maamuli doono Caddaalad iyo Nidaam waafaqsan Horumarka iyo Kala Dambaynta sidii horey loogu bartay intii uu ku dhax jiray Arrimaha Siyaasada Dalka Soomaaliya.
Sidoo Kale Waxa uu hoosta ka xariiqay inuu culayska saari doono shaqo abuurka Dhalinyarada , waxbarashada, ciyaaraha iyo in dhalinyaradu ay fursad u helaan ka qeybqaadashada siyaasadda dalka iyo in la horumariyo nolosha dhaqan-dhaqaale ee Bulshadda iyo in la ballaariyo Adeegyadda Caafimaadka deegaanka uu ka soo jeedo.
Ugu dambeyntii, Musharax Ex. Wasiirkii Hore Kaluumeysiga DFS ayaa rajo weyn ka leh Xilka xilibaanimada Beesha Eelaay/Bohoraad, waxaana taasi laga dheehan karaa heerka Sare ee Firfircoonidiisa Siyaasadeed iyo galaangalkiisa ku aadan Arrimaha Siyaasada Dalka.
Halkan Ka Daawo