Daawo: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Si Habsami Leh U Wado Qaban Qaabada Shirka Madasha Qaran Ee Baydhabo

0
606

Baydhabo(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay  si Habsimi leh waxay  u wada Qaban qaabadada Shirka Madasha Wadatashiga  Qaran Ee Soomaaliya oo la faliyo in maalmaha Soo socodo uu ka dhaco Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Waxaa la diyaariyey Holka iyo Guryaha ay degayaan ergada ka qiib galeyso shirkaas, oo kala imaanaya Dowlada Federalka Soomaaliya, Madaxda  Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Beesha Calaamka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka oo lagu waday inuu furmo 20-ka bishan oo berri ku beegan uu furmi doono 22-ka isla bishan waxayna ka dhigan tahay in Labo maalin uu dib u dhacay.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in arrimo farsamo uu shirkan Labo maalin u daba maray hase ahaatee Koonfur Galbeed ay waddo diyaar garow xooggan.

Magaalada Baydhabo waxaa shalay safar aku tagay guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Halkan Ka Daawo VIDEO

Wariye Muxidiin Xusn , Idale News Online, Baydhabo