Qansaxdheere(INO) Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiy DowladaKoonfur Galbeed Soomaaliya, Xasan Maxamed Xuseen oo la hadlay Idale News Online ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan KGS Maanta tababar loogu soo xiray Degmada Qansaxdheere Ee Gobolka Bay.
Tirada tababarkan Ciidamada loogu soo xiray ayaa waxey dhan yihiin Kun Askari 300 kuwaasi oo ka qeyb qaadan doona howlgallada militari ee ka soconaya qeybo ka mid ah Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso Taliye Ku Xigeenka Daraawiishta KGS
Xasan Maxamed Xuseen, Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta, iyo Tababarada Maleeshiyaadka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalladan ay uga goolleeyihiin sidii Al Shabaab looga saari la haa degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiir Xasan Maxamed Xuseen ayaa tilmaamay in ay qaadi doonaan wajiga labaad ee howlgallada lagu cirib tirayo Maleeshiyaad dhibaato ka geysta Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
Sikastaba, Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Fariisimo ay ku leyihiin Ciidamada Dowladda ayaa weerar gaadmo ahaa waxaa ku soo qaadayay Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Qansaxdheere