Berdaalle(INO)- Mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiirka hubka dhigista, Dhaqan celinta iyo dhaqan tababaradda maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka warfaafinta iyo Wacy-galinta Bulshadda Xasan Cabdi Maxamed iyo taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowlada koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta gaaray Degmada Bardaale ee Gobolka Bay.
Iyagoo halkaas gaarsiiyay saanad ciidan maadaama dhowaan halkaas ciidanka daraawiishta ka tirsan tababar loogu soo gabagebeeyay.
Ciidanka la qalabeeyay ayaa loo diyaariyay in ay sugaan ammaanka degmada Bardaale iyo Deegaanada kale oo ku dhow dhow si aynan dhibaato ugu geysan kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.
Ugu dambeyntii, Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa dhowaanahan waday qorshe lagu qalabeynaayo ciidanka maamulkaas si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.
Halkan Ka Daawo.
Somali News Desk, Berdaale