Shirkii Wadatashiga beelaha Digil iyo Mirifle ku yeesheen magaalada Baydhabo loogana arrinsanaayey mustaqbalka dhismaha maamul goboleed ka kooban 6 gobol oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool iyo Gedo ayaa waxaa uu dareen iyo cabsi ku aabuurey maamulada Jubba iyo kooxihii kale ee Soomaaliyeed ee mudda 22 sano deegaanadaas soo buuxiyey.
Haddaba, dood aad u xiiso badan ayaa waxay dhex martay taageerayaasha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia iyo Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe hogaaminaayo. Col Caliyow oo aqoonyahan ka soo jeedo beelaha Digil iyo Mirifle gaar ahaan gobolka shabeelaha hoose ayaa dood wanaag la qaatey nin laga magacaabo Caabi oo isagu sheegta inuu ka soo jeedo gobolka Gedo gaar ahaan degmada Luuq oo si weyn uga caan ah inay aheyd saldhigii boqortooyadii Gasaaragute ee koonfur galbeed ka arrimin jirtay muddo aad u dheer.
Idale News Online