Daawo: Dab xoogan oo ka kacey Jomo Kenyata Airport iyo Duulimaadkii oo hakad la galiyey

0
195

Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ayaa gebi ahaanba la xiray, iyadoo laga saaray rakaabkii saaka ka dhoofi lahaa, sidoo kale shaqaalihii garoonka ayaa iyana lagu amray inay ka baxay, waxaana la geliyay xaalad deg deg ah garoonka Joma Kenyatta.

Xoghayaha gaadiidka dalka Kenya Michael Kamau ayaa sheegay in dabka ka kacay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta uu yahay mid aan u xoogan, isagoo cadeeyay in la joojiyay dhamaan wixii duulimaad ahaa ee garoonka ka baxayay.

joma-kenyata

Waxaa uu sheegay in rakaabkii garoonka ku jiray ee doonayay inay ka dhoofaan laga saaray iyo kuwii soo degay, iyagoo bad qaba, waxaana uu xusay in goobta ay hareereeyeen ciidamada ammaanka si aan loogu dhowaan.

Maanta oo taariikhdu tahay 7-da Agosto ayaa waxay ku beegan tahay 15-sano kadib markii weeraro bambaano ay ka dhaceen Safaaradihii Mareykanka uu ku lahaa Nairobi iyo Dara salaam, iyadoo weeraradaas ay ku dhinteen dad fara badan.

Ma jirto wax qasaare ah oo ka dhashay dabkaas ka kacay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Garoonka Joma Kenyatta ayaa ka mid ahaa garoomada ugu mashquulka badan dalalka bariga Afrika, iyadoo diyaarado badan oo ka yimaada, Yurub, Aasiya, Ameerika iyo Afrika ay ka soo degaan, waxaana soo caga dhigta diyaarado caalami ah.

Idale News ONline, Mogadishu, Somalia