Baledcad(INO)- Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa Qabtay Qalab Ciidan oo lagu sheegay in loo waday Xoogaga Al Shabaab ee Dagaalka kula Jira Dowladda Soomaaliya.
Ciidanka ayaa Gaarigaan Hubka u waday Xoogaga Al Shabaab ku Qabtay Inta u dhaxayso Magaalada Muqdsho iyo Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelada Dhaxe Wuxuna u soday sida lagu Sheegay tuulada Bintow Cali .
Sidoo kale Gaarigaan Hubka ah ay Qabtayn Ciidanka Naad Sugidda Qaranka ayaa waday Booshashka Ciidanka isticmaalaan iyo Darajooyinka Ciidanka sida Xidig ilaa Jeneraal Waxaana lagu Qiyaasay Darajooyinkaas in ay rabayn in ay isticmaalaan Xoogaga Al Shabaab .
Ugu Danbayntii Ciidanka Nabad Sugidda iyo ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo ciidanka Xooga dalka iyo waliba ciidamada Amisom Ayaa Baaris wada jir ah xalay ka Sameeyay Degmada Yaaqshid gaar ahaan xaafada Suuqa Xowlaha Waxayna Ciidankaan Wada Jirka ahi Guri guri ugu baarayn Xaafadaha ku Deedsan Suuqa Xowlaha Waxaana Xafadahaas lagu Soo qabtay Dhalinyaro looga Shakiyay in ay gacan saar la leeyihiin Xoogaga Al Shabaab baaris kadib waxaana la fasaxay qaar kamid ah dhalinyaradaas.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Balcad