Jabuuti(INO)-Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagey magaalada Djibouti, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Djibouti iyo C/qadir Kamil Maxamed Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi, iyagoo ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda C/salaan hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac (Jangeli), Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku ammaanay dalka Djibouti taageerada joogtada ah ee mar walba ay la garab taagan tahay Soomaaliya iyo ciidamada Djibouti ee AMISOM, oo gacan muuqata ka gaysta suggidda amniga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo yeeshay kulan dheer oo qaatay labo saacadood, ayaa Ra’iisal Wasaaruhu waxaa uu warbixin guud ka siiyay xaalada guud ee Somaliya iyo qorshaha dawladda ee hiigsiga 2016-ka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin tababarka ciidanka, dib-u-heshiisiinta, dar-dargalinta shuruucda, dhamaystirka maamuladda goboleedyada, magacaabista guddiyada laf-dhabarka u ah in doorasho ay dalka ka dhaco iyo howlgalinta kuwa hadda jira.
Cumar C/rashiid, ayaa yiri “Waxaan marka hore ka mahad celinayaa soo dhoweynta diirran ee aniga iyo wafdigayga aan la kulannay, Madaxweynaha Djibouti waxaan ka wada hadallay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee aan wadaagno iyo adkaynta iskaashiga noo dhexeeya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo ganacsiga labada dal oo mar haddii aan wadaagno waxyaabo badan oo muhiim u ah shacabkeena.”
Waxa kaloo uu yiri “Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda Djibouti taageerada kala duwan ee Soomaaliya ay u fidisay oo sugidda amnigu ay qayb ka tahay iyo sida ay xilli kasta diyaarka ugu tahay in ay gacan buuxda ka gaysato xasilooni buuxda oo ka dhalata Soomaaliya iyo dhismaha haya’adaha dawladda. Waxaana Djibouti ay gacan ka gaysan doontaa sidii aan ku gaari lahayn hiigsiga 2016-ka.”
Ra’iisal Wasaaare Sharmaarke, ayaa inta uu joogo Djibouti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda kale ee dalka, isla markaana waxa uu booqan doonaa Dekeda Djibouti iyo goobo kale oo muhiim ah.
Idale News Online, Jabuuti.