Daawo: Biyo La’aan Baahsan Oo Laga Soo Sheegayo Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay

0
218

Buurhakaba(INO)-Biyo la’aan xooggan ayaa laga soo sheegayaa degmada Buurhakaba  Ee Gobolka Bay  iyo deegaanada udhow ee ka tirsan gobolka Bay , iyadoo la soo sheegayo in warihii biyaha laga dhaansan jiray ay kawada dhamadeen biyihii keydka ahaa.

SOMALIA-UNREST-ISLAMISTS-UN-RELIEF-SUSPE

Shacabka Ku Dhaqan degmada  Buurhakaba ayaa sheegeen in biyo la’aan xoogan ay ka jirto degmada oo aan inta la ogyahay sanadahan dhow soo marin, hadii aan gurmad deg deg ah helina laga yaabo in samayn xun ay ku yeelato dadka iyo duunyada degmada kunool.

Mid ka mid ah Dadka ka ganacsada Ceelasha biyaha ayaa sheegay in Foostada Biyaha ay ku iibiyaan lacag dhan 70 kun oo Shilin Soomaali ah, halka waagi hore la siin jirey 20kun  oo Shilling Soomaaliga ah.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Buurhakaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here