Daawo: Beesha Hawiye oo dulmi ku tilmaantay heshiiska dowlada federaalka & Maamulka KG Somalia

0
186


Odayaasha Hawiye ayaa si cad oga soo horjeestay Aqoonsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed ee Soomaaliya,oo maanta Madaxda Dowladda Soomaaliya ay Aqoonsatay.

Kulan Deg deg ah ayaa Odayaasha waxaa uu xiligaan uga soconayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka,waxaana ujeedkiisu uu yahay in ay ka tashadaan aayahooda.

Waxaa War Hor dhac ah oo ka soo baxay Shirka Odayaasha Hawiye ay sheegayaan in Shir looga Hadlayo Aayaha Beesha Hawiye lagu qaban Doono xarunta Maamulka Shabelle State ee Magaalada Marka islamarkaana looga hadlayo Arrimo ay ka mid yihiin Aqoonsiga Maamulka saddexda Gobol ee Koofur galbeed.

Waxaa ay ku baaqeen Waxgaradka hawiye in Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ku jira in ay ka soo baxaan oo ay ka soo qeyb galaan Shirka lagu qabanayo Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Maanta ayaa Madaxda Dalka Soomaaliya waxaa ay sheegeen in ay Dhameeyeen Khilafkii u dhaxeeyey Madaxda Maamulada Lixda Gobol iyo saddexda Gobol ee Magaalada Baydhabo laga Dhisay,waxaana ay Aqoonsadeen Mamaulka Saddexda Gobol.
xaad
Idale News ONline