Muqdisho(INO)- Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa lagaga dhawaaqay maamul cusub oo loo bixiyay Jubba Ganaane State kaas oo lasheegay inuu fadhigiisu noqonayo magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.
Maamulkan maanta lagaga dhawaqay Muqdisho ayaa lagu doortay Hogaan iyagoona sheegay in qorshaha ay soo wadaan ee horyaala ay yihiin inay soo Magacwno wasiiradii daadihi lahaa hawshan aad noo igmateen iyo Xubnihii Baarlamaanka iyagoona sidoo kale sheegay inay waqti kadib ay ku kulmi doonaan deegaankii aad noo sheegteen maanta ee Bu’aale.
Mudooyinki danbeeyay ayaa waxaa soo shaac baxayay maamulada kala duwan oo looga dhawaaqayay gudaha dalka Soomaaliya iyadoona hore looga dhawaaqay deegaanka Ceelberde ee gobolka Bakool maamul cusub iyadoona arintani ay keentay tabasho ay soo gudbiyeen beelaha qaar oo aysan maamulada ay hore uga tirsanaayeen aysan waxba uga Qaban.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, MUQDISHO