Dibad-baxyo looga soo horjeedo heshiiskii dhowaan magaalada Addis Ababa ku dhex marey Dowladda Federalka Somalia iyo maamulka KMG ee Jubba ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.
Bannaan-baxan ayaa waxaa soo abaabulay waxgaradka iyo aqoonyahanno ka tirsan deegaanka, iyadoo ay ka qaybgalayaan dadweyne fara badan oo isugu jira masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bay, Aqoonyahano, rag, dumar iyo carruur.
Dhageyso Mid ka mid ah masuuliyiinta gobolka Bay oo ka hadlay Banaanbaxa [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/08/abdallaKeyraad.mp3″]
Heshiiska ay gaareen dowladda iyo maamulka maamulka Axmed Madoobe ayaa dhigayey in la sameeyo maamul KMG oo la magac baxay Jubba, kaas oo uu hoggaamin doono isla Axmed Madobe, ayna hoos imaan doonaan gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.