Daawo: Ardeyda Dugsiga Al-Macmuur Ee Baydhabo Oo Maanta U Fadhiistey Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka Ee 2014/2015

0
245

Baydhabo(INO)-Waxaa saaka Ardeyda Iskuulka Al-Macmuur Ee Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ay fadhiisteen Imtixaankii sannadka ee dugsiyada  Dhexe iyo Sare.

Hadaba Ardeyda saaka u fadhiisatey Imtixaanka Dugsiga,Dhexe Iyo Sare ee Al-Macmuur ee Baydhabo ayaa guud ahaan tirodoodu ahayd 247 Ardey, macalimiinta  iyo mas’uuliyeenta Dugsiyaasi ayaa Aad u ilaalinayey Imtixaanka

Dugisga dhexe  ayaa u fadhiisatey 164 ardey, halka dugsiga sare na ay u fariisteen ardey tiradoodu ay gaareyso 83 ardey, kuwaasoo,Wajiyadooda  ka muuqatey u diyaar garow xoogan ee imtixaanka guud sanad dugsiyeedka 2014/2015.

Dhanka kale Ardeyda iyagu ka qeyb galyey Imtixaanka ayaa iyagu ahaa kuwo aad iyo aad ugu faraxsan Isla markaana aan lasoo koobi karin Shucuurtooda, Kuna kalsoonaa Natiijadooda Imtixaanka.

Halkan Ka Daawo.

Muqtaar, Maxamed Guuleed,Idale Nesws Onlin, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here