Daawo: Aljazeera Oo Kashiftay Hay’adaha Sirdoonka Caalamka Qaarkood

0
283

Doha(INO)- TV-ga Carbeed ee Aljazeera qeybtiisa Afka Englishka ayaa barnaamijkiisa (The Spy Cables) xalay ku shaaciyey sir badan oo ay ku wada xariireen Hay’adaha Sirdoonka caalamka, gaar ahaan Mareykanka, Koonfur Africa, Isreal iyo kuwa kale, waxaana si dhab ah uu barnaamijku dhawaan shaaca uga qaadi doonaa xogo badan oo ay soo heleen Wariyaasha Barnaamijka.

The spy cable

Wargeyska Reer galbeedka laga leeyahay gaar ahaana dalka UK ee The Guardian ayaa qeyb wanaagsan ka qaatay xogaha sirdoonka iyo aruurintooda, wuxuuna ku caawiyey Barnaamijka THE SPY CABLES xogo ay is dhaafsadeen Sirdoonka Mareykanka iyo kan Koonfur Africa.

Sheekooyinka caajibka ah waxaa ka mid ah beentii uu Raysalwasaaraha Isre’al isku dayay in uu ka gado golaha Amaanka ee Qaramada Midowbay ee ku aadaneyd hubka khatarta ee ay dawladda Iiraan samaynayso, taas oo isla markiiba ay Hay’ada Sirdoonka dalkiisa ee MOSSAD ay sheegtay in aysan Iiraan heysan hub wax gumaada ah.

Madaxweyne Obama oo hanjabaad telfoon ah ugu hanjabay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sidoo kale soo muuqatay, markii uu Maxamuud Cabaas si rasmi ah uhorgeeyey Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay xubinimada Falastiin ee golahaas.

Halkan Ka Daawo.


Sirdoonka Koonfur Africa SSA ayaa ayana loo dirsaday sidii ay ukeeni lahaayeen xubno lagu shaqeysto oo xogta iyo siraha usoo gudbiya CIA-da Mareykanka, taas oo barnaamijka lagu cadeeyey, laakiin lama soo bandhigin magacyada dadka la shaqaaleeyey.

Qeyb yar oo xayaysiis camal ah ayuu baahiyey Tv-ga Aljazeera qeybta Englishka, waxaana lafilayaa in uu dhawaan si rasmi ah ubaahiyo xogo badan oo ay si rasmi u wadaagi doonaan ama uwada heleen Tv-gaas iyo Wargeyska aad layskaga ilaaliyo ee The Guardian.

Idale News Online, Doha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here