Baledxaawo(INO)-Dagaalyahaano ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab ayaa waxa ay Degmada Garahaarey ee gobolka Gedo ku gubeen gaari siday qaad kaasi oo xiligaasi maraayay wadada isku xirta Degmooyinka Garbahaarey iyo Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.
Wararku waxa ay sheegayaan in Maleeshiyadu ay gaarigaasi la dhaceen qoriga loo yaqaan Baasuukaha, waxaana lasoo warinayaa in halkaasi ay ku dhinteen Laba ruux oo saarnaa gaariga islamarkaana qaadka kasoo qaaday Degmada Beled Xaawo, halka gabi ahaana uu ka gubtay gaariga.
Yuusuf Maxamed C/qaadir oo ah Gudoomiyaha Degmada Beled Xaawo , ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Maleeshiyada Alshabaab ay labadaasi nin ku dileen deegaanka Caro case, oo qiyaastii 30KM u jirta Degmada Beled Xaawo, halka ay 50km u jirto Garbahaarey.
Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay Yuusuf Maxamed C/qaadir in gaarigu uu ka amba baxay Beled Xaawo, kuna sii jeeday Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey.
Dhanka kale, Dadka deegaanka waxay Warbaahinta u sheegeen in Shabaabku ay batrool ku shubeen gaarigaasi, xili uu holcaayay. Labada nin ee la dilay, ayaa waxaa magacyadoodu lagu kala sheegay C/laahi Gaas iyo Burhaan Maxamed Aadan.