Peshawar(INO)-Wararka laga helayo dalka Bakistaan ayaa sheegayo in ciidama katirsan Daalibaan Bakistaan ay weerar xoogan ku soo qaadeen xero ay leeyihiin ciidanka Bakistaan oo lagu tababarayay Arday.
Peshawar oo ah halka uu weerarkan kadhacay ayaa lagu waramayaa in Ciidanka Daalibaan Bakistaan ay afduubteen in kabadan 500 oo qofood oo xeraddan uu tababar kaga socday.
Khasaaraha dhimashadda ee laga soo sheegayo xeradan ayaa gaarayo labo qofood, sida ay wararku sheegayaan wali waxaa uu dagaalka ka socdaa gudaha xeradda ayadoo lasheegayo in Dagaal Yahnada Daalibaan Bakistaan ay xerada guddaha u galeen.