Muqdisho(INO)— Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban Avv. Cumar Maxamuud Cabdulle (Cumar Dhagey) ayaa sheegay in baarlamaanka cusub go’aan ka gaarayo xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha, iyadoo uu shaki ku jiro in waqtigii loo qabtay in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo uu dib u dhaco mar kale.
Avv. Cumar Dhagey ayaa sheegay in howsha guddigooda ay ku egtahay marka la helo tiradii uu ku fariisan lahaa Baarlamaanka, isla markaana kooramka uu noqdo mid buuxa.
“Qorshaha doorashada wuu socdaa, inta aan la gaarin dhamaadka waqtiga loogu tala galay doorashada Madaxweynaha tirada uu Baalamaanka ku fariisanayo waa heynaa, iyaga ayaa go’aan ka gaari kara, dalkana markaas wuxuu leeyahay saddex dalool, labo dalool, 145 xildhibaan ayaa heynaa, 30 kale hadii ay dhameystiranto looma baahno Guddiga dooashooyinka waxaa xilka la wareegaya Baarlamaanka”ayuu yiri Avv. Cumar Dhagey.
Waxaa uu sheegay in laga soo gudbay xilligii lagu mashquulsanaa in doorashada waqtigeeda dib u dhacday, balse haatan labada aqal ee Baarlamaanka la doortay, ayagana ay yihiin kuwo go’aanka ka gaaraya doorashada Madaxweynaha.
Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ayaa ka kala socota xarumaha maamul goboleedyada, iyadoo maamulka Jubbaland uu noqday maamulkii u horeeyay ee soo dhameystira Liiska xubnaha Aqalka Hoose looga baahan yahay deegaanadooda oo ah 43 Kursi.