Culimada Magalada Gaarisa oo ku baaqay in la joojiyo Qaadka.

0
198

Magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya waxaa shaley shir ku qabtay culimada magaaladaas, waxaana ay ku baaqeen in la joojiyo ka ganacsiga iyo cunista qaadka oo laga joojiyay dalka Ingiriiska.

Sheekh Cali Guure oo ka mid ah culimada Gaarisa ayaa BBC-da u sheegay in ay ka hadleen siddii loo joojin lahaa cunista iyo ka ganacsiga qaadka.

Wuxuu sheegay oo kale Soomaalida in ay kala hadleen siddii looga maamnuuci lahaa magaaladooda qaadka.

Sheekha ayaa xusay in qaadka uu yahay maandooriye qoysas badan oo Soomaali ahna uu burburiyay .

Wuxuu sheegay oo kale in dadweynaha ay la kulmeen ay aad u doonayaan in la joojiyp qaadka.

Sheekha la weydiiyay sidda laga yeelayo haweenka ka ganacsada qaadka oo qaar badan korinaya ilmo agoomo ah, wuxuu kula taliyay in ay galaan ganacsiyo kale oo ka kheyr roon Qaadka.

Khat offically became a Class C drug from midnight, with anyone found in possession of the drug facing up to two years in prison

 Idale news Online, Garisa.