Wararka naga soo gaaraya deegaanka Afmadoow ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in halkasi uu ka dilaacay Cudurka Jaleecada.
Ugu yaraan sadex qof ayaa inta la ogyahay ku dhimatay.
Dr Xasan Mursal Macalin, waa agaasimaha Isbitaalka Afmadoow, waxaana isagoo BBC u waramaya saakay uu sheegay, in Bishan hada lagu jiro bilwgeeda ilaa hada cudurka Jaleecada uu soo ritsay 72 qof, iyadoo 58 kamid ahna ay ka yaraayeen 5 sano.
Dr Xasan waxa uu sheegay, in ilaa iyo hada 3 qof ay u dhinteen cudurkaan.
Cudurkan Jaleecada, ayaa loo sababeeynayaa inuu ka dhashay Roob yari deegaanadaas kajirtay, iyo dadkii oo hal meel kusoo aruuray.
Idale News Online, Afmadoobe.