Weerar yahanka kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleestay abaalmarinta cayaaryahanka ugu wanaagsan adduunka ee Fifa Ballon d’Or, kaddib markii uu ka adkaaday cayaatiyga Barcelona Lionel Messi iyo kooxda Bayern Munich Franck Ribery , waa markii labaad oo uu guuleesto abaalmarintaastaas.
28-year-jirka reer Portugul ayaa ku guul dareestay wax koob ah tan iyo marii uu yimid Real, balse 12-kii billood ee la soo dhaafay ayuu sameyay isbadal xooggan kaddib markii uu dhaliyay 69-gool 59-kulan oo uu saftay Real iyo xulka qaranka Portugal.
Ronaldo ayaa abaalmarintan horrey ugu guuleestay sannadkii 2008 xilligaas oo uu ku sugnaa garoonka Manchester United, balse waxaa la wareegay oo seddax jeer isku xigga ku guuleestay sannadihii (in 2009, 2011 and 2012).
Idale News Online,wararka Ciyaaraha.